SABTIDA MA LA ANSIXIN DOONAA WAX KA BEDELKA DASTUURKA?

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDRAALKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Dadka Soomaaliyeed intooda badan waxa ey aad ula socdaan waxyaabaha ka socdo gudaha dalkooda hooyo marka ey joogaan Qurbaha halka kuwa Gudaha dalka joogo eysan 50% waxba kala socon xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta,hadaba maalmahaan waxaa miiska saarnaay lana karkarinaayey ka hadalka Dastuurka wax ka bedelkiisa iyo dib u eegistiisa,hawshaan ayaa soo bilaabaty bishii Febraayo-2024-ka waxaane loo saaray gudi isku dhaf ah kana kooban xildhibaan iyo Senitaro kana kala yimid labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Gudiga ayaa iska dhex doortay Gudoomiye,Gudoomiye Ku Xigeen iyo Xoghaye. Gudoomiyaha Gudiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf(Xuseen IIdaw),Gudoomiye ku Xigeen waxaa loo doortay Senitar C/laahi Sh.Ismaaciil(Fartaag) iyo Xoghayaha oo loo doortay Senitar Siciid Cabdi Xuseen,waxaa isagana jiray Gudoomiye AVV. Burhan Aden Cumar oo Gudoomiye u ahaay Gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka JFS. Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed labadiisa Aqal oo wadajira ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey fadhi ku yeesheen Villa Hargeysa oo ah halka uu fariisto Golaha Shacabka ee BJFS, fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 206-Mudane,Aqalka sare waxa ka yimid 36-Senitar halka Aqalka Hoose ey ka yimaadeen 170-Xildhibaan waxaa sidaas labada Aqal uga baaqday fadhigii maanta 18-Senitar oo aqalka Sare ah iyo 105-Xildhibaan oo aqalka hoose ah. Gudoomiye Xuseen Idaw ayaa akhriyey warbixin ku saabsan hawsha Gudigiisa uu soo qabtay waxa uuna Gudoomiye Idaw xusay inta hawsha Wax ka Bedelka iyo Dib u Eegista Dastuurka soctay ey dheceen 16-kulan eyna soo xaadireen ilaa 306-Mudane kana kala socday labada Aqal ee BJFS,Gudoomiye Idaw ayaa carabka ku adkeeyey in afar kulan kaligiis uu qaatay Cutubka 4-aad halka cutubyada eysan qaadan wax ka badan laba kulan waayo ayuu yiri Gudoomiye Idaw Cutubka afaraad ayaa sameyn xoog leh ku leh Hogaanka Qaranka,Cutubkaan ayaa waxa ka aragti dhiibtay Mudanayaal gaaraayo ilaa 504-Mudane. AVV.Burhan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka ayaa sheegay in tirada Aragtiyada ey dhiibteen Mudanayaasha labada Aqal ey dhan tahay ilaa 1724-aragti, dhinaca kale,AVV.Burhan ayaa sheegay iney jirto aragti ey soo dhiibteen shacabka muddo dhan sideed maalmood waxaane aragtidooda soo dhiibtay dad shacab ah oo gaarayo ilaa 7470-qofood. Gabagabadii kulankii maanta ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Md.Sheekh Adan Madoobe waxa uuna sheegay in dhammaan Mudanayaasha loo qeybiyey Nuqulkii ugu dambeeyey ee Wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka JFS. Gudoomiye Adan Madoobe, waxa uuna Mudanayaasha faray in maalinta Sabtida ah bishuna tahay 30/3/24-ka cod loo qaadi doono Wax ka bedelka iyo Dib u eegista Dastuurka si uu Ansax u noqdo looguna dhaqmo. Dhinaca kale, Gudoomiye Adan Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaano gaaraayo ilaa 140-Xildhibaan ey soo jeediyeen in tabarucaat loo fidiyo Xildhibaanad Fawsiya X.Aden oo u sharaxan xilka Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika sannadka 2025-ka, Gudoomiye Adan Madoobe ayaa sheegay in dhaqaale ururintii hore ee ahayd $500 hadda loo bedelay ilaa $200-Mudanihiiba inuu ugu tabaruco Ololaha Xildhibaanad Fawsiya ee Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika,waane ey wada aqbaleen Mudanayaasha labada aqal ee BJFS.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA OO BEENIYEY….

Next
Next

MARAYKANKA OO AFAR QOFOOD TOOREY LAGU DILAY.