MALEESHIYAADKA ALSHABAAB OO KU HALAAGSAMAY…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DANAB.
(KISMAYO-J/LAND)-Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland ee Kismaayo ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaliyeed iyo kuwa Jubaland oo iskaashanayo ayaa maanta oo Sabti ah(2/3/24)-ka sameeyey hawlgal si xun loogu jebiyey kooxda Alshabaab hawlgalka ayaa la dhcay degaano hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose. Ururka 162-aad Guutada 16-aad ee kunaadooska Danab ee ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa saakay Waaberigii waxa ey u ruqaansadeen degaanka BAARKA oo ey ciidamadu markii hore uga soo bexeen saameyntii fatahaada Wabiga balse saakay ey ciidamadu laba jiho ka soo weerareen Baar-Sanguuni. Ciidamadda hawlgalka fulinaayey ayaa ka gudbay dhan kale ee Wabiga Juba halka ciidamadda qaarne ey mareen wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo,waxaane ciidamadda u suurtagashay iney cagta mariyaan dhammaan maleeshiyaadkii ka tirsanaay Alshabaab ee halkaas ku dhuumaaleysanaayey. War ka soo baxay ciidamadda ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabaab halkaas looga dilay 19-dagaalame halka nolosha lagu qabtay sagaal kale,sidoo kale ciidamadda ayaa Alshabaab ka soo furtay hub fara badan oo nuucya kala duwan leh waxaane hubkaasi ka mid ah”5-BKM, 2-RBG, 17-AK47” waxaane la qarxiyey Miinooyin kooxda Alshabaab u diyaarisay iney shacabka ku halaagto.
ISHA/SNA-RADIO.