DILKA MARXUUMAD LUUL OO GO’AAN LAGA GAARI DOONO MAALINTA..
(SAWIRKA)-EEDEYSANE SAYID CALI MACALLIN DA’UD.
(MUQDISHO)-Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku soo badanaayo dilalka Madaniga ah ey isu gaysanayaan kuwa dadka isugu dhaw,arrintaan ayaa soo bilaabatay markii Sayid Cali Macallin Da’uud uu xaaskiiska oo Uur leh uu Gubay dabadeedna ey u geeriyootay dabkii uu qabadsiyey Sayid Cali,dhibkaan ayaa dhacay bishii hore ee Febaraayo-2024-ka waxaane ilaa hadda go’aan cad oo muuqda aan laga gaarin dacwadda loo haysto Sayid waxaane dacwadaan loo fariistay ilaa laba jeer lana dhegaystay dhinacyada ey khuseyso. Arrintaan ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal hayn xanuun badan iyo iska hor imaadyo kooban oo u dhexeeyey dad caan ka ah baraha bulshada,hadaba maxaa soo kordhay? Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii seddexaad mudeysay dhegaysiga dacwadda ka dhanka ah Sayid Cali ee loo haysto dilka Xaaskiisa Marxuumad Luul C/risaaq waxa eyna Maxkamadda Gobolka Banaadir sheegtay in fadhigaan yahay midkii ugu dambeeyey isla markaasne lagu dhawaaqi doono go’aanka Eedeysanaha,waxa eyna Maxkamadda Gobolka Banadir mudeysay maalinta Arbacada ah ee soo socoto taariikhduna ey tahay 6/3/24-ka.
ISHA/CAASIMADDA.