XILDHIBAAN YAASIIN FAREEY OO SI ADAG UGA HADLAY DILKII..

(SAWIRKA)-MARXUUMKII SAAKAY LAGU DILAY ISGOYSKA SINAAY. WAA SAWIR QAADE CAAN KA AH ISGOYSKA SIINAAY.

(MUQDISHO)-Wararka imanaayo degmada Warta Nabdda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaayo in maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax cabasho ah eyna dhigaayeen dad isugu soo baxay Isgoyska Siinaay,dadweynaha banaanbaxaayey ayaa waxa ey ka cabanaayeen Gudoomiyaha degmda Warta Nabadda Seynab Xaabseey,sida laga maqlaayey codadka dadka amaba lagu arkaayey boorarka ey wateen dadka sameynaayey Banaanbaxa waxa ey cabasho ka ahaayeen Xaqoodii ey ku lahayeen degmada Warta Nabadda ey ka boobtay Gudoomiye Seynab Xaabseey waayo waxa ey sameysay Gudoomiye Xaabseey iney Gudoomiye Waaxeed ey leheed beel ka mida ah Beel Weynta Wacaysle iney Gudoomiye Xaabseey ku wareejisay beelo kale aan degnayn degaanka Siinaay, dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaay Cabdi Suudi oo sheegay in Gudoomiye Seynab Xaabseey ey dheceeyso Xaqii ey Beesha Wacaysle ku leheed degmada Warta Nabada gaar ahaan Waaxda General Da’uud ee uu hoos yimaado Suuqa Weyn ee Siinaay,dhinaca kale banaanbaxayasha ayaa carabka ku dhuftay in Gudoomiye Madaale iyo Gudoomiye Seynab Xaabsey rabaan iney boobaan dhulka uu ku yaalo Suuqa weyn ee Siinaay ey iska leedahay DFS hadane ey ku Ganacsadaan dad shacab ah oo Soomaaliyeed bixiyane Canshuurta DFS. Arrinta ayaa xumaatay ka dib markii ciidamo ka yimid saldhiga Warta Nabadda eyna soo amartay Gudoomiye Seynab Xaabsey ey rasaas huwiyeen dadkii Bananbaxaayey waxaane rasaastaasi u geeriyooday wiil dhallinyara ah lana sheegay inuu ahaay Sawir Qaade caan ka ahaay degaanka Siinaay,waxaane dhawaacmay seddex qofood oo kale ey haweneey ka mid tahay. Xildhibaan Yaasiin C/laahi Maxamuud(Yasiin Fareey) iyo masuuliyiin kale oo DFS ku metela dadka dhinabanayaasha u ah Gudoomiye Seynab Xaabsey iyo Askarteed saldhiga Warta Nabada,waxa uuna Xidhibaan Yaasiin Fareey sheegay inuu cadaalad u raadin doono dadka uu ku metelo BJFS iyo wiilka geeriyooday,sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa carabka ku adkeeyey in cadaalad loo helo cabshada dadka reer Siinaay.

ISHA/CASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

EHELKA MARXUUM KAABAX OO CADAALAD KA DALBADAY DFS.

Next
Next

DILKA MARXUUMAD LUUL OO GO’AAN LAGA GAARI DOONO MAALINTA..