ATMIS OO SOO GABAGABAYSAY DHIMISTA …
(SAWIRKA)-ATMIS OO DHIMAYSA TIRO CIIDAMA AH.
(MUQDISHO)-Ciidamadda Midawga Afrika ee nabad ilaalinta hadana loo yaqaano ATMIS ayaa hadda waxaa loo diyaarihaa in la dhimo Wejigeedii labaad,hawlgalka ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gabgabeeyey wejigii labaad ee dhimista ciidamada ka dib markii ey dawladda Soomaaliya ey ku wareejiyeen sagaal saldhig ciidan. Ciidamadda ATMIS ayaa banaanka ku soo dhacay ka dib markii Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed ey muddo gaaban dalka uga xureeyeen dhul balaaran oo ey haysatay kooxda Alshabaab,gulufka ciidamadda Xooga ayaa soo dedejiyey in ATMIS laga saaro dalka Soomaaliya waayo waxa ey dalka Soomaaliya yimaadeen sannadkii 2007-dii welina waa ey joogaan ayagoo aan wax hawlgal ah ka qeyb qaadan isagana sugnaay xerooyinkooda.
ISHA/ALLBANADIR.