MALAYSIYA OO LAGU XUKUMAY XAASKII….

XAASKA RAYSAL WASAARIHII HORE EE MALAYSIYA ROSMAH.

(MALAYSIYA)-Dalka Malaysiya waxaa weli ka socoto dacwad loo haysto Raysal Wasaarihii hore ee dalkaasi Najib Razaq kaaso maalmo ka hor lagu xukumay 12-sano oo xariga ka dib markii lagu soo eedeyey Musuqmaasuq,hadaba maanta oo khamiis ah ayaa xaaskii Reysal Wasaare hore(Najib) Rosmah Mansuur Maxkamdi ku xukuntay xabsi dhan toban sano oo xariga ka dib markii lagu helay dembi ah ineey lunsatay lacag,Rosmah ayaa ku eedeysan ineey qaadatay laaluush waqtigii uu odaygeedu ahaay Reysal Wasaraha dalkaasi Malaysiya,lacagaha la sheegay ineey ku maqan yihiin Rosmah ayaa dhan 187.5-Milyan oo ah lacagta dalka Malaysiya(Ringi) una dhiganta $42-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,lacagaha kale ee Rosmah loo haysto waxaa ka mida laaluush dhan 6.5-Milyan oo Ringi una dhiganta $1.5-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaan ayey Rosmah laaluush ahaan u qaadatay intii u dhexeeysay sannadadii 2016 ilaa 2017-kii.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY GOBOLKA WISCONSIN.

Next
Next

SHIRKADA SAMAYSA DRONES-KA EE TURKIGA OO…