MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGIISA JABUUTI.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI.
(JABUTI)-Wararka aan ka heleyno dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta oo Arbaca ah uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Geelle,labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeyo labada dalka ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti,gaar ahaan iskaashiga dhinacyadda Amniga iyo Dhaqaalaha. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaaladda wadajirka ah ee lagu horumarinaayo Nabadda iyo Xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika,taaso la jaanqaadeyso duruufaha siyaasadeed iyo kuwa Amni ee ka jira Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha JFS Md.Dr.Xasan Sheekh ayaa ku amaanay Madaxweyne Geelle kaalinta mugga leh muhiimkana ah ee uu ka qaatay Nabadda iyo Xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika.
ISHA/VILLA SOMALIA.