DAGAAL BEELEED MAR KALE KA DHACAY QORYOOLEEY.

(SAWIRKA)-DEGMADA QORYOOLEEY.

A(QORYOOLEEY)-Wararka ka imaanayo Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta dib uga bilawday dagaal u dhexeeyo laba beelood oo wada dega degmada Qoryooleey,dagaalkan ayaa ah mid ku soo noqnoqday degmada Qoryooley welina aan laga gaarin xal waara ey ku kala badbaadaan labada beelood ee walalaha ah. Sida ey qabaan dadka degaanka dagaalka ka socdo degmada Qoryeeley ayaa ah mid leh wejiyo badan oo dhinac waxaa ka ah kooxda Alshabaab oo diidan in degmada noqoto mid xasiloon nabadna hesha waayo Alshabaab ayaa Aaminsan haddii Qoryooley deganaan hesho in Gobolka Sh/hoose uu noqon doono mid nabdoon sidaa darteedna Alshabaab ey qeyb ka tahay xiisadda ka taagan Qoryooleey. Dhinaca kale,waxaa jira siyaasiyiin kala aragti duwan kana soo kala jeedo beelaha isku haayo degmada Qoryooleey,siyaasiyiintaas qaarkood ayaa Aaminsan in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaamiyo MW-Laftagareen inuu yahay kan hurinaayo colaada ka jirta Qoryooleey sidaas darteedna in Qoryooleey laga sifeeyo dhammaan inta la socoto Laftagareen. Dagaalka maanta ayaa la sheegaa inuu ka dhacay Buunda weynta welina uu halkasi ka socdo,waxaane dagaalka kala hogaaminaayo laba taliye kana soo kala jeedo labada beelood ee isku haysata Qoryooleey,waxaane labadaan sarkaal la kala yiraahdaa Cali-Waal(Garre) iyo Hadaafaw(Jiido), waxa eyna ka soo kala jeedaan labada beelood ee kala ah Garre iyo Jiido oo ka wada tirsan Beel Weynta Digil.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGIISA JABUUTI.

Next
Next

MAXAA ISKA BEDELAY BAASBOORKA SOOMAALIYA.