ALSHABAAB OO KU HALAAGSAMAY BARIGA G/GADUUD.
(SWAIRKA)-CXDS IYOKUWA DEGAANKA OO WADA HAWLGAL.
(MUQISHO-Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ee maamilka Galmudug Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaay in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 86-aad ee Guutada 77-aad iyo Xoogaga degaanka oo iskaashanaayo ayaa hawgal ka sameeyeen dhulka Hawdka ah ee u dhexeeyo dhabaqle iyo Xuseen Cageey oo ah wadada isku xirta degaanadda Mesegawaay iyo Baraag Sheekha Caamir. Sida ey sheegeen Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Xoogaga degaanka waxaa lala socday xogta kooxda Ashabaab kuwaaso si dhuumaaleysi ah loogu daabulaayey halkaas,waxaane Alshabaabkii soo galay dhulkaasi lagu dhuftay dhirbaaxo aad u culus waane ey ku fashilmeen hadafkoodii ahaay ineey sameeyaan jid gal iyo miino dhigis lagu dilo dad shacab ah ee degan degaanka una badan dad xoolo dhaqata ah. Ciidanka ayaa cagta mariyey goobihii gabaadka u ahaay Alshabaab waxane halkaas kooxda Alshabaab ku gaaray jab culus,waxaane sidaas warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Guutada 77-aad C/nuur Yuusuf Qadaaye oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay Halagalka ka socdo bariga G/Galgaduud ee maamulka Galmudug.
ISHA/RADIO SNA.