MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO JAALIYADDA SOOMAALIYEED KULA….

SHIRKII JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE WAQOOYIGA AMEERIKA IYO WAFDIGII MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.

(WASHINGTON)-Shalay oo Jimca ahayd habeenimadeedii ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxa eey magaaladda Virginia ee dalkaasi Maraykanka kula kulmeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika(USA iyo CANADA),xaflad aad loo agaasimay ayaa waxa eey ka dhacday goobta lagu qabtay shirka xog waraysi ah ee u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ku sugan dalka Maraykanka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, qodobadii uu ka hadlay Madaxweyne Xasan ayaa waxaa ka mid ahaay: (1)-Madaxdii eey la kulmeen isaga iyo wafdigiisa maalmihii la soo dhaafay eey ku sugnaayeen magaaladda Washington. (2)-Soo saariddda Khayraadka Dhulka Soomaaliyeed. (3)-Dagaalka Alshabaab. (4)-Arrinta Soomaaliland. (5)-Taakulaynta dadka eey haleeshay Abaarta iyo Maalgashiga dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si aad ah waxa uu uga hadlay soo saaridda Khayraadka ku jiro dhulka Soomaaliyeed iyo sidii loo saari lahaay,waxa uuna Madaxweynaha sheegay inaan cidna loo joojin doonin soo saaridda khayraadka dalka Soomaaliya,mar uu madaxweynaha ka hadlaayey arrinta Alshabaab ayuu sheegay in la dejiyey qorshe lagula dagaalaayo kooxda Alshabaab kana kooban seddex qeybood oo kala ah,(a)-Dagaal Ciidan,(b)-Dagaal Fikri ah waxaane la furi doonaa ayuu yiri Tv-yo maxali ah iyo Idaacado gaar ah oo lagula dagaalo Alshabaab fikirkooda,(c)-Dagaal dhaqaale oo ah in laga wada jaro dhammaan ilaha wax ka soo galaan kooxda Alshabaab sida in la joojiyo wicitaanada dadka shacabka ah lagu handadaayo,Madaxweynaha ayaa xusay in Alshabaab haystaan hal gobol oo dalka ka mida kaasoo ah Gobolka Jubadda Dhexe eey caasimadiisu tahay magaaladda Bu’aale,laakinse goboladda ee dalka ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh waxa eey Alshabaab kaga sugan yihiin dhulka Baadiyaha,wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah{Wasiirka arrimaha dibadda Haruse,Wasiirka Maaliyadda Dr.Cilmi,Wasuurul Dawlaha Arrimaha Dibadda Xildhibaan Cali Balcad,Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Xuseen Sheekh Maxamuud}.

ISHA WARKA ALLBANAADIR.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MADAXWEYNAHA SENIGAL OO MAGACAABAY…

Next
Next

BOOQASHADA MADAXWEYNE XASAN SHEKH EE MARAYKANKA.