BOOQASHADA MADAXWEYNE XASAN SHEKH EE MARAYKANKA.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA BLINKEN.

(USA)-Dalka Maraykanka waxaa booqasho rasmi ah ku joogo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,booqashada Madaxweynaha ayaa waxa la socdo wafdi balaaran eey ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Haruuse, Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Cilmi, Wasiirul Dwalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Muadane Xildhibaan Cali Balcad iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo booqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka,Wasaaradda Difaaca Maraykanka(Pentagon),Wasaaradda Lacagta Marayakanka iyo Hayadda Sirdoonka Dibadda ee dalka Maraykanka(C.I.A),isla Washington ayuu Madaxweyne Xasan waxa uu la kulmay Madaxa Hayadda lacagta Adduunka(IMF) KRISTALINA GEORGIEVA,waxa uuna Madaxweyne Xasan sheegay in dhammaan wada hadaladii dhexmaray wafdigiisa iyo Masuuliyiinta Maraykanka iyo Hayadda Lacagta Adduunka(IMF) ahaayeen kuwa mira dhal ah lagana gaaray go’aamo Taariikhi ah.Mudane Xasan Sheekh Inta uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Maraykanka ayuu la hadlay Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah(CSIS) waxa uuna sheegay in Madaxweynaha dalka Eritareeya Isaias Afwerki uu Soomaaliya u tababaray ciidan dhan shan kun(500)- askeri,una qalabeeyey,isla markaasne dib ugu soo celin doono dalka Soomaaliya,waxa uuna Madaxweyne Xasan sheegay ineey dalka Maraykanka ka codsadeen inuu ka taageero dib u soo celinta ciidamadaas lagu tababaray dalka Eritereeya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri’Sannadihii la soo dhaafay waxaan galnay khilaaf ka dhashay marxaladda adag ee kala guurka siyaasadeed ah taasne waxaa ka dhashay in Madaxweyne Afwerki diido inuu ciidamadaas dib ugu soo diro dalka Soomaaliya iyo sababta la xiriirta jahwareerka siyaasadeed ee jira”.

ISHA WARKA SB-MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO JAALIYADDA SOOMAALIYEED KULA….

Next
Next

WAA MAXAY UJEEDKA HADALKA DAYNIILE?