MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DEGMOOYINKA…

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO DHEX TAAGAN BULSHADA XARADHEERE.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar gelinaayo dib u xureynta dalka ayaa maanta gaaray degmooyinka Xaradheere iyo Ceel dheer oo ka kala tirsan Goboladda Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug Bartamaha dalka Soomaalia,si uu u dardar-geliyo Ciidamadda Qalabka Sida iyo halyeeyada difaac shacabka ee khawaarijta kula dagaalamaya degaano hoos yimaado degmooyinkaas. Madaxweyne Xasan oo bogaadiyey Geesiyaasha dib u xureynta dalka kuwaaso si nafhurnima ah cadawga Khawaarijta kaga difaaca dadkooda iyo dhulkooda,khawaarijta deganadaas ayaa caadeystay daadinta dhiiga shacabka iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed,waxa uuna isla goobtaas min haldarajo dalacsiiyey dhammaan saraakiisha iyo ciidmadda Qarnka ee ku fara adeygay gacan ku haynta degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug,Madaxweyne Xasan ayaa xusay in halganka dalka looga xureynaayo Khawwarijta uu heer gabgaba ah maraayo,taariikhduna ey xusi doonto halyeyadii ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta Khawaarijta aragagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Dalkeena maanta waxa uu cagta saaray dhabaha horumarka iyo kobaca bulshada taas waxa suurtageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaac dalka,bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyadda difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbalka ey harsadaan ubadkiina iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer,Ciidamadda Xooga Dalka Soomaliyeed iyo ciidmaadda difaac shacabka ayaa ku adkeeyey iney laba laabaan dadaalkooda si uu u guuleysto halganka ey ku jiraan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee dalka looga sifeynaayo Argagixisada.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DISHAY SARAAKIIL SARE OO IRAAN AH.

Next
Next

WAX KA OGAW DFS IYO PUNTLAND WAXA EY ISKU HAYAAN.