ISRA’IIL OO DISHAY SARAAKIIL SARE OO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-S/G.MAXAMED REZA ZAHEDI.

(SYRIA)-Wararka ka imaanaayo dalka Suriya caasimadiisa Dimishiq ayaa sheegaayo in maanta oo Isniin ah ey diyaaradaha dalka Isra’iil ey weerareen Qunsuliyadda dalka Iraan uu ku leeyahay dalkaasi Suriya,weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday Saraakiil sare kana tirsan Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan kuwaaso intooda badan ah la taliyeyaal dhinaca ciidamadda ah. Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Iraan ee IRNA ayaa Xaqiijisay dilka Sareeye Guuto Maxamed Reza Zahedi oo ahaay taliye sare kana tirsan ilaaldda Kacaanka Iraan. Sareeye Guuto Maxamed Reza Zahedi oo 63 jir ah waxa uu ahaa Taliyaha Ciidamada Qudus oo ah garabka mileteri ee Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah Iraan ee dalalka Suriya iyo Lubnaan. S/G.Zahedi waxa uu ku biiray Ciidanka Ilaaladda laba sano ka dib guushii kacaanka Islaamiga ahaa ee Iraan sannadkii 1979-kii,waxa uu ka mid ahaay Hogaamiyeyaashii darajada labaad ee dagaalkii Iraan iyo Ciraaq ee dhacay sannadkii 1980-kii,waxa uuna S/G.Zahedi ahaay Taliyha Guutada “44-Qamar Bani Hashem”muddo seddex sano ah,ka dibne waxa S/G.Zahedi uu noqday Taliyaha Guutada “14-Imaam Xuseen”. S/G.Zahedi waxa uu soo noqday Talyaha Ciidamadda Dhulka ee Ilaaladda Kacaanka Iraan intii u dhexeysay 2005-tii ilaa 2008-dii, ka dib taliayaha Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa Zahedi waxa uu u doortay inuu noqdo Taliyaha Hawlgaladda Ilaaladda Kacaanka inta u dhexeysay 2016-kii ilaa 2019-kii,laakinse S/G.Zahedi ayaa waxa uu ku biiray Ciidanka Qudus sannadkii 2007-dii waxa uuna noqday Taliyaha Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan u qaabilsan dalalka Suriya iyo Lubnaan. Bayaan ka soo baxay Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan ayaa lagu sheegay in isagana uu dhintay ku xigeenkii S/G.Zahedi oo isna ah S/G. Maxamed Xadi Xaaji Raxiimi,sidoo kale ilaaladda kacaanka ayaa ku dhawaaqday dilka La taliyeyaasha kala ah Xuseen Aman Allahi,Mehdi Jalalati,Muxsin Sadaqat iyo Cali Agah Babaei. Dhankooda Kooxda la socoto Xuquuqda Bani’adanka ee dalka Suriya ayaa ku dhawaaqday in dhimashadu ey gaartay ilaa 11-qofood,waxa eyna u kala dhasheen 8-Qofood Iraan ah, 2-Qofood Suriyaan ah iyo Hal qof oo Lubnaan ah,kow iyo tobankaan qofood ee la dilay dhammaantooda waxa ey ahaayeen askar mana uu ku jiro qof rayid ah.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DHAWACAY…

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DEGMOOYINKA…