WAX KA OGAW DFS IYO PUNTLAND WAXA EY ISKU HAYAAN.

(SAWIRKA)MW-XASAN IYO DENI.

(MUQDISHO)-Shalay oo ey bisha Maarso ahayd 30/3/24-ka waxaa si buuxda loo Ansixiyey wax ka bedel lagu sameeyey Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cutubyadiisa 1-aad ilaa 4-aad,Ansixinta Cutubyadaas ayaa waxaa si xoogan uga horyimid maamulka Puntland oo ka mid ah shanta maamul ee hoos yimaado Dawladda Federaalka Soomaaliya,hadaba Puntland maxaa ku qasbay iney ka boodo wax ka bedelka Dastuurka dalka? Sida uu qoaraayo Dastuurka u gaarka ah maamulka Puntland Qodobkiisa 4-aad kana hadlaayo”HANAANKA XUKUNKA PUNTLAND”,Qodobkaan 4-aad Faqradiisa 3-aad ayaa u qoran sidaan” Inta laga dhammaystiraayo Dastuurka Dawaladda Federaalka oo Puntland wax ka Ansixisay ka dibne Afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay lahaaneysaa Awood Dawlad Madax Banaan”. Si aan wax badan uga ogaano wixii dan iyo kharaasa ah ee ugu jiro maamulka Puntland iney xiriirka u jarto DFS ayaan waxaan idinla wadaageynaa Warbixin dhinacya badan taabaneysa kuna saabsan Puntland iyo DFS.

ISHA/BBC.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DEGMOOYINKA…

Next
Next

MW-XASAN SH.MAXAMUD OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED.