MADAXWEYNE XASAN OO GAARAY DEGAANKA….

MW-XASAN OO DAWEYNE LA FADHIYO DEGAANKA NUUR-DUGLE EE G/SHABEELADA DHEXE.

(CADALE)-Wararka ka imaanaayo G/shabeeladda dhexe ee maamulka Hirshabeele ayaa sheegaay in maanta oo Khamiis ah in MW-Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminaayo eey gaareen degaanka NUUR-DUGLE kuna dhaw degmada Aadan Yabaal halkaaso saldhig weyn u ah kooxda Alshabaab,wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhiga Jaamac,Taliyaha CXDS Odawaa iyo Gudoomiyeyaasha Maxakamada CQS G/dhexe Shuute iyo S/G.Liibaan Cali yaraw,Madaxweynaha wafdigiisa ayaa halkaas waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha H/Shabeele Cali Xuseen Guudlaawe iyo Godoomiyaha gobolka SH/dhexe Axmed Faal. Madaxweynaha ayaa horay waxa uu booqasho ku tegay goobaha laga xureeyey kooxda Alshabaab kana tirsan maamulada H/shabeele sida degmada Maxas iyo degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ugu dambayntiina waxa uu madaxweyne Xasan soo gaaray degmada B/weyne caasimadda G/Hiiraan, maamulka Galmudug ayuu booqday MW-Xasan sida degmada Wisil ee Gobolka Mudug iyo degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud,arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii xukuumadda cusub lagu dhaliilay ineeysan diyaar u ahayn ineey wax dhiirigelin u sameyso ciidamadii guusha ka soo hoyiyey kooxda Alshabaab.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

RW-XAMSA CABDI BARRE OO SHIR GUDOOMIYEY..

Next
Next

GIRIIGA OO SOO BADBAADIYEY 483-TAHRIIBE.