RW-XAMSA CABDI BARRE OO SHIR GUDOOMIYEY..

(MUQDISHO)-Magaaladda muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay shirkii todobaadlaha ahaay eey yeelan jireen Golaha Wasiiradda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,shirka maanta ayaa laga soo saaray laba Hindiso sharciyeed loona gudbin doono BJFS si eey u meel mariyaan ka dibne uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud. Fadhiga maanta ey yesheen Golaha Wasiiradda ayaa lagu magacaabay Mareeyaha Hayadda Isgaarsiinta Qaranka waxaane xilkaas loo magacaabay Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh kaaso ahaay ku xigeenka mareeyaha muddo dheer,magacaabidaan Maareeyaha ayaa timid ka dib markii Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee JFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif uu soo jeediyey. Dhinaca kale Golaha Wasiiradda ayaa magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaane xilkaas loo magacaabay Dr.Cali Yaasiin Sheekh Cali ka dib markii uu soo jeediyey Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

ISHA WARKA CAASIMADDA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MW-XASAN IYO WAFDIGIISA OO SOO GAARAY….

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN OO GAARAY DEGAANKA….