GIRIIGA OO SOO BADBAADIYEY 483-TAHRIIBE.

DOONTA SIDAY TAHRIBAYAL DHAN 483-TAHRIIBE.

(ATHENS)-Wadamadda Liibiya iyo Turkiga ayaa ah wadamadda eey ka soo tahriibaan dadka raba ineey galaan Qaaradda Yurub ayagoo soo maraay badda Miditereniyaanka,dadkaan tahriibaayo ayaa u badan kuwa ka kala yimid dalalka Bariga Dhexe iyo Qaarada Afrika,hadaba dawladda Giriiga ayaa sheegtay in doon kalluumaysi oo kala burburtay wadayne dad muhaajiriin ah ayaa loo soo jiiday dekeda Crete,doonta la soo jiiday ayaa ahayd mid ku dhuntay biyaha badda Miditereniyanka waqtiga la soo jidayey ayey ku sugneed koonfurta Crete,tahriibauaaysha saarnay doonta ayaa tiradooda lagu sheegay iney dhan tahay 483-qofood kuwaaso ka soo baxay xeebaha dalkaasi Liibiya. Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Giriiga ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in dadka saaranay doonta la soo jiiday ey u kala dhasheen dalalka Falastiin,Masar,Sudan,Suriya,Bakistan,waxaa rag ahaay 336-qofoofd,10-qofood oo dumar ah,128-wiilal ah iyo 9-gabdhood,dhammaan dadkaan la soo badbaadiyey ayaa waxaa loo gudbiyey guryo ku meel gaar ah kuna yaalo Crete.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN OO GAARAY DEGAANKA….

Next
Next

ANWAR IBRAHIM OO NOQDAY..