MADAXWEYNAHA KENYA OO MAGACAABAY…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE KU XIGEENKA KENYA EE LA MAGACAABY MAANTA.
(NAIROBI)-Wararka ka imaanyo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Kenya William Ruto uu maanta oo Jimca ah uu Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki uu u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ka dib markii Baarlamaanka dalkaasi uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachahua. Ku dhawaaqista Madaxweyne ku xigeenka cusub ayaa waxaa maanta loo gudbiyey Afhayeenka Baarlamaanka Kenya Moses Wetangula isagoo bilaabay hanaanka buuxinta Xafiiska labaad ee ugu sareeyo dalka Kenya. Wetangula ayaa ku wargeliyey Sharci dejiyeyaasha magacaabista Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya,taaso u gogol xaareyso dooda Baarlamaanka iyo u codeynta ansixinta Kindiki maalmaha soo socdo.
ISHA/AA.