YAA BEDELI DOONO YAXYE SINWAR?
(SAWIRKA)-YAHYE SINWAR IYO QUDUS.
(GAZA)-Ka dib markii la xaqiijiyey dilkii Hogaamiyihii kooxda Xamaas Yaxye AL-Sinwar ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo iney jiraan afar Musharax oo buuxin doona booska uu baneeyey Yaxye AL-Sinwar. Afartaan qofood ee la sheegay ayaa waxaa ka mid ah nin la dhashay Yaxye AL-Sinwar kaaso magaciisa lagu sheegya in la yiraahdo Maxamed AL-Sinwar. Hogaamiye Maxamed AL-Sinwar ayaa hadda ah taliye sare ee garabka hubeysan ee Xarakadda Xamaas,waxa uuna masuul ka yahay dhammaan hawleheeda shaqo,waa magac si adag loo soo jeediyey inuu bedelo walaalkiis Yaxye AL-Sinwaar. Maxamed AL-Sinwar waxa uu la wareegay xilka dhaxal sugaha Maxamed AL-Deif gaar ahaan maadaam uu la dhashay Madaxa Xamaas ee Marinka Gaza,isla markaane uu ka mid yahay hogaamiyeyaasha ugu caansan ee Ururka Xamaas,waxaa uu sii dheer inuu awood iyo sameyn ku yeeshay gudaha Xamaas sannadihii u dambeeyey oo loo maraayo hawlgaadda uu ku kormeerayey marinka Gaza. Sida caadada ah,waxaa la filaa in Xamaas sheegto amaba ey kashifto si toos ah yaa bedelaayo Yaxye AL-Sinwar,hayada fulinta iyo qaab dhismeedka shuuradda ey sii wataan hawlahooda shaqo eyna leeyihiin habab wax ku ool ah xitaa marka loo eego beegsiga Hogaamiyeyashooda. Hogaamiyeyaasha kale ee iyagan u sharaxan xilka Yaxye AL-Sinwar baneeyey ayaa waxaa ka mid ah “Khalid Mashcal, Muuse Abu Marzuuq, Khaliil AL-Xayeh”,dhammaan Murashixiinta xilka Yaxye AL-Sinwar ayaa ah kuwa ku wada sugan dibadda Marinka Gaza marka laga reebo Maxamed AL-Sinwar.
ISHA-SB-MEDIA.