MADAXDA SIRDOONKA SOMALIA IYO KENYA OO KU…

(SAWIRKA)-MADAXDA SIRDOONKA SOMALIA IYO KENYA.

(MUQDISHO)-Magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa maanta oo Jimca ah soo gaaray Madaxa Sirdoonka dalka Kenya Nuuradiin Xaaji,masuulkaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde ku soo dhaweyey Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Soomaaliya(NISA) Md.Mahad Maxamed Salaad,waxaane lagu wadaa in labadaan masuul ey iska waraystaan arrimo la xiriiro sidii looga hortegi lahaay weerarada kooxda Alshabaab ey ka gaysato dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Madaxa Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa la kulmi doono masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda uu hogaamiyo RW-Xamsa Cabdi Barre waa inta uu ku sugan yahay caasimadda Muqdisho. Horay ayaa waxaa u soo baxay warar sheegaayo in Madaxa Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji inuu si qarsoodi ah ku yimid Kismaayo oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee J/land,booqashadaan aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa wax ka qoray Wargaysyada dalka Kenya.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MA JID SAX AH AYAA LOO MARAY SOO XIRIDA…?

Next
Next

GUDOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MAGACABAY…