GUDOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MAGACABAY…

(SAWIRKA)-SHEEKH AADAN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Bishii Meey-2023-ka waxa magaaladda Muqdisho shir ku yeeshay Golaha Wada Tashiga Qaranka kana kooban shanta Maamul Goboleed iyo iyo Gobolka Banaadir iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,golahaan ayaa soo gaaray go’aano Masiiri ah kuna saabsan Doorashooyinka dalka ka dhacaayo Mustaqbalka,waxaane ka mida Go’aanada ey soo gaareen in wax laga bedelo muddo xileedka hayadaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hadaba arrintaa ayaa waxaa ka dhashay buuq siyaasadeed oo abuuray khalkhal amni oo aad u xoogan gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii ey ka soo horjeesteen Go’aanada Golaha Wada Tashiga Qaranka siyaasiyiin miisaan culus ku leh Soomaaliya sida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahne Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Sheekh Shariif Sheekh Axmed,si xaaladda siyaasadeed ee kacsan loo dejiyo loona helo jawi degan ayaa waxa kulamo isdaba joog ah yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ex-MW-Sheekh Shariif si xal waara looga gaaro khilaafka jira taasine waxa ey sababtay in maanta uu magacaabo Gudi ka kooban shan xubnood Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe,gudigaan ayaa waajibkiisu yahay iney ka soo talabixiyaan go’aanadii ey soo gaareen Golaha Wada Tashiga Qaranka 27/5/23-k.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MADAXDA SIRDOONKA SOMALIA IYO KENYA OO KU…

Next
Next

20-ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY KENYA.