20-ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY KENYA.
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY GUDAHA KENYA.
(NAIROBI)-Tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu dilay Madaxii hawlgalka ee kooxda alshabaab C/casiis Abu muscab kana dhacay degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe kooxda Alshabaab ayaa kordhisay weerarada ey ka gaysaneyso gudaha dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi-Bari,weerarkii ugu dambeeyeyne waxa ey kooxda Alshabaab ka gaystay degmada Lamu waxa eyna halkaasi ku dishay dad gaaraayo ilaa iyo shan qofood waxa eyna kooxda soo bililiqeysatay hantidii shacabka lahaayeen. Galabnimadii maanta oo Arbaca ah(6/7/23)-ka ayey kooxda Alshabaab isku dayday iney weerar gaadmo ka gaysato gudaha dalka Kenya,weerarka ey qaadeen maleeshiyaadka ee gaadmada ahaay ayey isku fara saareen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dalka Kenya kuwaaso ku jiray roondo,waxaane halkaasi ka dhashay khaasaaro fara badan oo soo gaaray maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee rabay iney fuliyaan weerar gaadmo ah,sidaas waxaa laga soo xigtay booliska Kenya. Weerarka ayaa ka dhacay Ogorweyn oo ka tirsan degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-Bari Kenya,afhayeenka booliska Kenya Dr.Resila Onyanga ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ey bixiyeen jawaab guulaysatay,maleshiyaadka kooxda Alshabaab ee ku dhimatay dagaalka dhexmaray iyaga iyo ciidamadda gaarka ah ee Kenya ayaa waxaa kooxda Alshabaab looga dilay ilaa 20-dagaalyahan.
ISHA/DAIY NATION.