MADAXDA ECOWAS OO FADHI UGA FURMAY…

(SAWIRKA0-MADAXDA AFGEMBIGA.

(NIGERIA)-Hogaamiyeyaash Galbeedka Afrika ayaa bilaabay fadhi aan caadi ahayn oo ka dhacaayo caasimadda dalka Nigeria ee Abuja maanta oo Khamiis ah,ujeedada shirka ayaa ah sidii go’aan looga gaari lahaay afgembiga dalka Niger. Madaxweynaha dalka Nigeria Bola Tinuba isla markaasne ah madaxa Ururka ECOWAS ayaa shirka ka sheegay iney rabaan in xal kama dambays ah laga gaaro afgembiga dalka Niger iyo sidii xukunka loogu soo celin lahaay Madaxweynaha lagu doortay si Dimuqaraadi ah. Madaxweyne Tinubu ayaa sheegay in dhibaatada dalka Niger ey raad ku yeelan doonto gobolka,waxaane shirka ka qeybgalay dhammaan madaxda wadamadda Galbeedka Afrika.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

IRAAN OO SII DEYNEYSA MAXAABIIS…

Next
Next

KENYA: ALSHABAAB OO BURBURISAY QALAB ISGAARSIIN.