KENYA: ALSHABAAB OO BURBURISAY QALAB ISGAARSIIN.
(SAWIRKA)-ISGAARSIINTA SAFRICOM EE LA BURBURIYEY.
(NAIROBI)-Dagaalka ey Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ku qaaday Ururka Alshabaab waxa uu sababay in kooxda Alshabaab kordhiyaan weerarada ey ka wadaan gudaha dalka Kenya maalmihii la soo dhaafay gaar ahaan kooxda ayaa weeraro ka gaysatay Gobolka Waqooyi-Bari Kenya. Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Kenya dagaalyahano loo malaynaayo iney ka tirsan yihiin kooxda Alshabaa ayaa burburiyey qalab isgaarsiinta ey iska leedahay shirkada Safaricom ee dalka Kenya halka ey wax ka dheceen ayaa lagu sheegay iney tahay SULEKA TINFA ee koonfurta Mandheera,waxaane gebi ahaan go’ay Isgaarsiintii degaankaasi. Dhacdadaan ayaa waxaa xaqiijiyey gudoomiye Amos Mariba waxa uuna sheegay in qarax lagu xiray tiirarka Isgaarsiinta kuwa kalane la toogtay. “Tiirarka isgaarsiinta Shirkada Safaricom waxaa soo gaaray burbur habeenkii uu dhacaayey weerarka hadane qeyb ahaan waa ey burburtay waxa eyna u baahan tahay dayactir dhammaystiran si ey isgaarsiintu caadi ugu soo laabato degaanka”sidaas waxaa telefoon ku sheegay Mr.Mariba.
ISHA/DAILY NATION.