MA BEEN ABUURBAA GENERAALNIMADA SHEEGAW?
(SAWIRKA)-AFHAYEEN DOODISHE IYO GEN.SHEEGAW.
(MUQDISHO)-Magaala Madaxada Soomaliya ee Muqdisho waxaa xalay ilaa saakay ka socday dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidamadda Xasilinta caasimadda ee Police-ka Militeriga oo dhinac ah iyo xoogag uu hogaaminaayo nin sheegtay inuu yahay Generaal laguna magacaabo Sheegaw. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ey maleshiyaad ka tirsan Gen.Sheegaw ey soo dheceen Telefoon qaali ah ka dibne ey ula soo baxsadeen hoygiisa oo ku yaalo degmada Dharkinley ee G/banaadir,dagaal qaatay saacado badan ka dib waxaa suuragal noqotay in la soo qabto Gen.Sheegaw iyo askar dhan 25-askeri kuwaso todobo ka mida ey dhawacan yihiin loona qaday isbitaalka. Afhayeenka ciidamadda Booliska Soomliyeed G/le Doodishe ayaa warbaahinta Caasimada kula hadlay saldhiga degmada Dharkinley waxa uu G/le.Doodishe sheegay qofka uu yahay Gen.Sheegaw iyo ciidamadiisa dhibka ey ka wadeen caasimadda Muqdisho,hadaba laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa ka jawaabtay su’aasha ah”Waa kuma Gen.Sheegaw?”waxa eyna wareysatay Col.Mocaw oo horay uga tirsanaay ciidamadii NSS-ta Somalia waqtigii hore.
ISHA/BBC