LACAG DHAN $7-BILYAN OO LOO…
ABAARAHA GEESKA AFRIKA.
(NAIROBI)-Hayadaha samafalka ayaa ku baaqay in si buuxda loo siiyo Qaramada Midoobay dhaqaale dhan $7-bilyan oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaan ayaa loo codsanayaa wadamada Geeska Afrika loona balan qaaday todobaadkan ayada oo ey sii kordhayaan dhibaatooyinka u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si loo badbaadiyo nolosha dad fara badan loona farageliyo colaadaha halkaasi ka jiro. Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in gobolka Geeska Afrika wajahaayo abaar xun muddo dhan 40-sano ah eyna u baahan yihiin kaalmo dad gaaraayo 43.3 milyan oo qofood kuna kala sugan dalalka Soomaaliya,itoobiya iyo Kenya,inta badan dadkaasi ayaan haysan cunto ku filan,sidaas waxaa sheegay Qaramada Midoobay.
ISHA WARKA AP.