WFP OO KA DIGTAY CUNTO XUMI SOO…
SAWIRKA NOLOSHA DAD DEGA GEESKA AFRIKA.
(NAIROBI)-Kumanaan qofood oo ku nool Geeska Afrika ayey soo food saartay Gaajo deg deg ah sidaas waxaa ka digtay hayadda Cuntada Addunka(WFP) maanta oo Arbaca ah(24/5/23)-ka. Agaasimaha Hayadda Cuntada Adduunka(WFP) ee Bariga Afrika Micheal Dunford oo fadhigiisu yahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa carabka ku adkeeyey ahimyadda ey leedahay la dgagaalanka cunto xumida ka jirto gobolka Geeska Afrika,Agaasime Micheal ayaa hadalkiisa sii raaciyey”Dagaaladda,Cimilada oo xun,dhibaatada dhaqaale iyo dhibaatoyin kale oo isku mar dhacay waxa ey gobolka ka dhigeen mid ey soo wajahday arrimo culus’. Cunto iyo Tamar uu sareeyo sicirkooda ayna dhinac socdaan dhibaatooyin ka dhashay dagaalka dalka Sudan ayaa raad ku yeeshay nolosha dad fara badan kuna nool gobolka Geeska Afrika.
ISHA WARKA AA.