LABADII XAQ DARRO KU HESHIISAA XAQA AYEY KU DAGAASHAA.

(SAWIRKA)-MW-SICIID C/LAAHI DENI.

(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaayo in Madxweyne Siciid C/laahi deni uu Maxkamada sare ee Puntland ka codsaday in gebi ahaanba la kala diro Golaha wakiiladda Puntland kuwaaso maalmo ka hor sameeyey waqti kororsi dhan muddo hal sano,Golaha ayaa muddo xileedkeedu waxa uu ku eg yahay 31/12/23-ka,ogow MW-Deni iyo Gudoomiye C/rashiid waxa ey ahaayeen rag hal meel wax isula wada waxa eyna u wada ololeynaayeen in Puntand aado Doorasho Qof iyo Cod ah balse arrinaasi ayaa ka shaqeyn kaei waayey gudaha maamulkaasi Puntland sababayna gacan ka hadal ey ku geeriyoodeen dad fara badan oo shacab ah. sida la sheegay codsiga deni ayaa salka ku haayo sidii uu uga hortegi lahaay kulan lagu wado iney yeeshaan Golaha wakiiladda Puntland dhammadka todobaadkan kuna beegan 14/12/23-ka,kulanka ayaa qorshihiisu yahay iney iska dhex doortaan gudigii qaban qaabin lahaay doorashad Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Puntland. LA SOCO GO’AANKA MAXKAMADA PUNTLAND DHAWAAN.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DACWADII WIILKA MW-XASAN SHEEKH OO WEJI KALE YEELATAY MAXAA…

Next
Next

Md. WAARE MA UGA FAA’IIDEYN DOONAA XILKAN CUSUB SOMALIA?