DACWADII WIILKA MW-XASAN SHEEKH OO WEJI KALE YEELATAY MAXAA…

(SAWIRKA)-SHILKII BAABUUR EE KA DHACAY ISTANBUL DALKA TURKIGA.

(ISTANBUL)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta dalka Turkiga iyo baraha bulshada ey ku sheekeysato Soomaalida si weyn loogu falanqeynaayey arrinta ku saabsan Shil Baabuur uu galay Wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,hadaba maxaa maanta oo Axad ah(10/12/23)-ka ku soo kordhay arrintaas? Booliska ku baxay shilkii uu galay wiilka uu dhalay MW-Xasan Sheekh ayaa sheegay in ninka watay Mootada uu galay Shil Ismiidaamin(Suicide) kaaaso gaystay wiilka MW-Xasan Sheekh Maxamuud gudaha dalka Turkiga. Xaaska ninka ku dhintay shilka lana yiraahdo Oznur ayaa sheegtay “in Boolisku ey doonayaan iney soo afjaraan dacwadda,waxa eyna ii sheegaan in ninkeyga isaga uu is dilay amaba sabab u ahaay dhimashadiisa ilaa laga soo saaro Muuqaalka Shilka”. Laakinse,Booliska Istanbul ayaa maanta oo Axad ah kuna beegan 10/12/23-ka saacadda Istanbul-ne ahayd 04:11-Galabnimo sheegay in ninka watay Mootada uu ku dhintay Shil Ismiidaamin ah,shilkan oo sababay dhimasho ayaa waxaa ku lug yeeshay Wiil uu dhalay MW-Xasan Sheekh Maxamuud,shilka ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga. Oznur oo ah xaaska uu ka geeriyooday ninkii watay Mootadii uu ku dhacay baabuurkii uu wadey Wiilka MW-Xasan Sheekh Maxamuud oo u hadashay Wargayska maalinlaha ah ee Cumhuriyet ayaa sheegtay in Boolisku u sheegeen in ninkeedu is dilay.

ISHA/DIVAR ENGLISH.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

BAARLAMAANKA PUNTLAND OO BERRI KA SHIR DOONO…

Next
Next

LABADII XAQ DARRO KU HESHIISAA XAQA AYEY KU DAGAASHAA.