BAARLAMAANKA PUNTLAND OO BERRI KA SHIR DOONO…

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA PUNTLAND.

(GARAWE)-Waxa aan qoraalkii kan horeeyey aan idin kula wadaag arrimaha ka taagan maamulka Puntland gaara ahaan kuwa la xiriira Doorashooyinka soo socda,maalmo ka hor waxaa go’aankii uu ku taagnaay muddo bilo ah isaga tanaasulay MW-Deni sheegayne in Doorashada Puntland ey ku dheceyso waqtigeeda 8/1/24-ka,intaas ka dib ayuu Golaha Wakiiladda Puntland waxa ey sameeysteen waqti kororsi ayaga u gaar ah ayagoo ka duulayo go’aankii Isimadda SSC-Khaatumo kaaso Baarlamaanka Puntland ugu deray hal sano si ey u qabtaan doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa,arrintaan ayaa waxaa ka biya diiday MW-Deni waxa uuna Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland u dirsaday codsi ah in arrinta baarlamaanku wado laga hortago. Maxkamada Dastuuriga ee Puntland oo ka jawaabaysa codsiga MW-Deni ayaa waxa ey Laashay muddo kororsigii uu iskii u samaystay Baaramaank Puntland,Hadaba maxaa xigay ey sameyeen Golaha Wakiiladda Puntland? In ka badan 40-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa fiidnimadii caawa diyariyey Mooshin ka dhan ah Maxkamadda Dastuuriga ah. Warar lagu kalsoon yahay lagana soo xaqiijiyey ilo muhim ah ayaa isku raacay in Mooshinka loo gudbinaayo fadhiga Deg Dega ah oo berri yeelan doono Baarlamaanka Puntland,talaabadaan ayaa imaaneysa saacado kooban ka dib markii Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland ey Laashay mudoo Kororsigii uu sameystay Baarlamaanka.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

YAA ADKAAN DOONO MAXKAMADA DASTURIGA AH IYO BAARLAMAANKA PUNTLAND?

Next
Next

DACWADII WIILKA MW-XASAN SHEEKH OO WEJI KALE YEELATAY MAXAA…