YAA ADKAAN DOONO MAXKAMADA DASTURIGA AH IYO BAARLAMAANKA PUNTLAND?
(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA PUNTLAND.
(GARAWE)-Tan iyo markii uu Madaxweyne Siciid C/laahi Deni uu ku dhawaaqay inuu ka tanasulay in Puntland ey ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah farayne in Puntland aado doorashadii isaga lagu soo doortay mid la mida oo dhacda 8/1/24-ka, go’aanka uu qaatay MW-Deni ayaa waxaa si xoogan uga horyimid Golaha Wakiiladda Puntland oo iyagu raba iney kororsadaan xilka kana dhigtaan ilaa 31/12/24-ka bacdamaa uu xilkoodu uu ku eg yahay 31/12/23-ka. Si uu u shqeeyo tanaasulkiisa ayuu MW-Deni waxa uu codsi u diray Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland waxa uuna Maxkamada Dastuuriga ah ka dalbaday iney kala dirto Baarlamaanka Puntland balse Maxkaadda Dastuuriga ah ayaa qaadatay go’aan ah iney laasho go’aankii Golaha Wakiiladda Puntland ee ahaay kororiga sannad ah. Hadaba Baarlamaanka Puntland oo shir yeeshay maanta oo Isniin ah ayaa ku dhawaaqay in waxba kama jiraan yahay go’aankii Maxakamada Dastuuriga ah ey ku Laashay muddo kororsiga Baarlamaanka,qoraal ka soo baxay Gudoonka baarlamaanka Puntland kana kooban ilaa seddex warqadood ayuu ku diiday go’aankii Maxkamada Dastuuriga ah ey ku burisay Muddo kororsiga Baarlamaanka,gudoonka ayaana sheegay in go’aanka Maxkamada uu ka hor imaanayo qodobo dastuuri ah balse aan la xusin kuwa ey yihiin isla markaasne uu yahay mid sharci darra ah oo aan wax micna sharci ah ku fadhin.
ISHA/PUNLAND POST.