KOOXDA DAACISH OO SHEEGATAY WEERARKII SHALAY KA DHACAY AFGAANISTAAN.
(AFGAANISTAAN):Kooxda Daacish ayaa waxa eey sheegatay weerarkii shalay lagu qaaday Masaajid eey leeyihiin dadka Shiicada ah ee gobolka Kandahaar ee koonfurta dalka Afgaanistaan,weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday dad dhan afartan iyo todobo(47)-qofood halka eey ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan gaaraysana todobaatan(70)-qofood.War eey weerarkaas ka soo saaratay kooxda Daacish laguna daabacay barta eey ku leedahay baraha bulshada ayey kooxdu kaga hadashay qaabka uu u dhacay weerarka Ismiidaaminta ahaay ee lagu qaaday Masjidka Fatimiya waxa eeyna sheegeen in weerarku ku bilawday dilka laba qofood oo ilaalo ka ahayd Masaajidka Fatimiya ka dibne eey kooxdii ismiidaaminaysay eey gudaha u galeen Masjidka isna qarxiyen kuwasoo ku hubaysnaay waxyaabaha qarxa,waxa eeyna kooxda Daacish sheegeen magacyadda ragii isku qarxiyey Masjidka Fatimiya waane Anas Al-khurasani iyo Abu Cali Al-Baluchi ninkaan dambe ayuu magaciisa u eg yahay nin ka soo jeedo dalalka Aljeeriya,Marooko iyo Tuniisiya midkood,xusuusnow Daacishka qoorta ugu jiro Dhaalibaan waxa eey wataan magaca ah DAACISH-K taaso K-da u taagan tahay KHURASAANI waane halka uu ka soo jeedo labada ruux ee ismiidaamisay kan uu horeeyo magaciisa.XIGASHO AP.