WIIL SOOMAALIYEED OO LOO QABTAY DILKII XILDHIBAAN DAVID.
(LONDON):Dalka Ingiriiska waxaa maanta oo Jimca ah(15/10/21)-ka ka dhacay weerar loo adeegsaday Mindi,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Kaniisad eey ku shiraayeen dadka degaanka iyo xildhibaan laga soo doorto degaanka kana tirsan xisbiga raysal wasaaraha Ingiriiska Borris Johnson ee Muxaafidka, xildhibaanka yaa la yiraahdaa David Amess waane 69-jir muddo ku soo jiray baarlamaanka dalka Ingiriiska.Xildhibaan David ayaa lagu dhuftay dhawr Mindi waxa uuna xildhibaanka ku geeriyooday isla goobtii lagu Mindiyeey.Weerarkaan loo adeegsaday Mindi laguna dilay xildhibaan David Amess ayaa loo xiray wiil asal ahaan ka soo jeedo Soomaliya da’adiisuna tahay 25-jir,lama sheegin magac wiilkaan Soomaliyeed ee loo qabtay dilka Xildhibaan David,tuhmanahaan soomaliyeed ayaan la cadeeyn sababta keentay in loo xiro dilka xildhibaan David Amess,ciidamadda amnaanka dalka Ingiriiska ee ku hawlan baaritaanka dilkaan ayaa sheegay in weerarka Mindida loo adeegsaday yahay mid argagixiso.XIGASHO WAKAALADAHA