KOOXDA ALSHABAAB OO DAD KU TOO…

(SAWIRKA) KOOXDA ALSHABAAB.

(SOMALIA)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa iney xireen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ajnabi ah kuna sugan gudaha dalka Soomaaliya,Ajaanibtaan ayaa ka barbar dagaalamaysay kooxda Alshabaab in muddo ah. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay magacyada Horjoogayaasha Ajnabiga ah qaarkood ee la xiray,waxa eyna kala yihiin”Fu’aad Baajuuni”oo ka soo jeedo dalka Tanzania iyo “Qudaama Kenyati”oo ka soo jeedo dalka Kenya. Horjoogayaashaan la xiray ayaa la sheegay iney kooxda Alshabaab kala qeybgaleen dhawr dagaal ey kooxdu la gashay ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Atmis. Marka laga gudbo labadaan Horjooge ee la xiray kooxda Alshabaab waxaa u xiran Ajaanib fara badan oo gaarayo ilaa labaatameeyo kuwaaso kooxda Alshabaab ku edeysay iney ku aragti yihiin labada Horjooge ee la xiray. Labadaan Horjooge ee Ajnabiga ah ayaa laga soo kala qabtay magaalooyinka Bu’aale ee ah caasimadda Gobolka Jubada Dhexe iyo magaaladda Jilib ee ka tirsan degmooyinka gobolka Jubada dhexe,gobolkaan Jubada dhxe ayaa ah gobolka kaliyah ey si buuxda u haystaan kooxda Alshabaab waane halka saldhiga u ah madaxda kooxda Alshabaab. Sababta loo xiray Horjoogayaasha ayaa lagu sheegay ineey tahay iney ka biyo diideen dagaalka u dhexeeyo Dawladda FederaalkaSoomaaliya iyo kooxda Alshabaab iyo iney go’aansadeen iney dib ugu laabtaan dalalkii ey ka yimaadeen. Dhinaca kale ,wararka ka imaanayo degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegayo in kooxda Alshabaab ku toogatay shan nin ey kooxdu ku sheegtay iney ahaayeen Basaasiin u shaqeynayo dawladda Federaalka Soomaaliya, dawladdO shisheeye iyo maamulka Jubaland,raga la toogtay ayey kooxdu magacyadooda ku kala sheegtay: (1)-C/raxmaan Tifaw C/raxmaan(Sanqool) oo 67-jir ah waxaane lagu edeeyey inuu u basaasayey Dawladda Federaalka Soomaaliya. (2)-C/laahi Axmed Maxamud”Shaadeel” oo 41-jir ah. (3)-Maxamed Ibrahim Colow(Maxamed Colow) 41-jir ah laguna edeeyey inuu u basaasayey dawladdo shisheeye sabaabne u ahaay dilkii Komaandoos. (4)-Siyaad Maxamed Kaahiye(dhegaweyne) 47-jir ah laguna edeyey inuu u basaasayey dawlad shisheeye. (5)-Maxamed Maxmuud Colow oo 51-jir ah,laguna edeeyey inuu u basaasayey maamulka Jubaland. Dhammaan dadkaan la laayey ayaa wada ah dad da’a ah loona malaynaayo in dilkooda lagu banaystay iney yihiin basaasiin balse ey dhici karto ineey yihiin odayaal iska diiday iney shacabkooda baad uga soo ururiyaan kooxdan bahalawday ee Alshabaab.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

RECEP TAYYIP ERDOGAN OO DIB LOO…

Next
Next

MW-MUSEVENI OO KA HADLAY…