MW-MUSEVENI OO KA HADLAY…

MW-MUSEVENI.

(KAMPALA)-Sida laga soo xigtay Madaxweynaha Ugandha Museveni iyo taliyaha ciidamadda Ugandha Gen.Wilson Mbasu Mabada ayaa diyaariyey gudi soo baara kana keena xaqiiqo dhammaystiran eyna ka mid tahay inta uu la eg yahay khasaaraha soo gaaray ciidamadda dalka Ugandha. Madxweynaha dalka Ugandha Museveni ayaa wacad ku maray inuu ka aargoosan doono kooxda aragaixisada Alshabaab weerarkii ey ku dhinteen askar badan oo Ugandha ah gudaha dalka Soomaaliya. Galabnimadii shalay oo Sabti ahayd qoraal uu soo saaray Generaalka hawlgabka ah ee Museveni ayuu kaga hadlay weerarkii kooxda Alshabaab ku qaaday saldhiga ciidamadda Ugandha ee Buulo-Mareer,Museveni ayaa ku tilmaamay weerarkaasi inuu yahay shil nasiib dara ah”Qaar ka mida askarta ma aysan fulin hawlahooda sida aan filaayo waane ey argagaxeen taas ayaana ugu wacneed is habayn la’aanta”. “Kuwa ku jiro difaaca si isku filan ayey xoog u leeyihiin sida ey ila tahay,waxa eyna isku waardiyeynayeen hub khafiif ah,waxaane halkaasi ku sugnaay hub kala ah laba taangi,laba lidka diyaaradaha ah(14.5)-MM iyo qoriga Katiyuusha(107)-MM”.

ISHA WARKA MONITOR.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

KOOXDA ALSHABAAB OO DAD KU TOO…

Next
Next

UGANDHA OO KA HADASHAY…