KENYA OO KU DHEGAN DALKA SACUUDIGA.

Kenyan-official-calls-death-of-89-Kenyans-in-Saudi-Arabia.jpeg

(NAIROBI):Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegtay in sideetan iyo sagaal(89)-qofood oo Kenyaan ah kuwaasoo intooda badan ka shqeeyo guryaha eey ku dhinteen dalka Boqortooyada Sacuudiga labadii sano ee ugu dambaysay. Dawladda Sacuudiga ayaa u sheegtay dawladda Kenya in dadka dhintay ee Kenyanka ah ineey u dhinteen wadna xanuun,laakinse ku xadgudubka shaqaalaha ka shaqeeyo guryaha Sacuudiyiinta ayaa ahaay dhib in mudda ah soo jiray waxaane arrintaan ka hadlay xoghayaha shaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee baarlamaanka Kenya Mr.Macharia kaaso sheegay waxa ka dhacay Sacuudiga tahay waxa aan loo dulqaadan karin lagana shakiyo waayo marka la babrbardhigo dhimashada shaqaalah Kenyaanka ah kana shaqeeysto Khaliijka waa midaan suuragal ahayn in tiro intaas la eg ku dhimato Sacuudiga kaligiis,waxa uuna xoghayaha tusaale u soo qaatay dalka Qadar waxaa ku dhintay sedex Kenyaan ah,Imaaraatka carabta hal kenyaan ah,kuweyt labo kenyaan ah,cumaan sagaal Kenyaan ah iyo Baxrayn laba Kenyaan ah,Sacuudiga ayuu yiri xoghayaha waxa uu inoo sheegaa in 40 ilaa 50-qofood oo Kenyaan ah ku dhinteen dalkiisa taasne ma aha suuragal ayuu sii raaciyey hadalkiisa xoghayaha,waxa la yaabka ah in dhammaan dadka ku dhintay Sacuudiga ee dhallinyarada ah u dhinteen wadna xanuun.XIGASHO VOA.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

DALKA TURKIGA OO LAGA NACAY AJAANIBTA.

Next
Next

XOG MUHIIM U AH CIIDAMADDA TURKIGA OO LA BIXIYEY.