KENYA OO BILAWDAY U DHOOFINTA….

QAATKA MIIRAWGA.

(KENYA)-Tan iyo markii eey dhacday doorashadii loog adkaaday Farmajo(15/5/22)-ka dalka Kenya waxa uu weday qorshe uu ku rabo inuu dib u soo celiyo xiriirkii ganacasi ee kala dhexeeyey dalka Soomaaliya gaar ahaan ganacsiga Qaatka loo yaqaano Miirawga oo eey dalka ka joojisay dawladdii uu hogaaminaayey Farmaajo.Dalka Kenya ayaa bilaabay inuu dalka Soomaaliya u dhoofiyo Qaatka Miirawga waxaane la soo sheegay in dalka Soomaaliya loo dhoofiyey Qaat lagu qiimeeyey qiimahiisa 221-Milyan oo Shilinka Kenya ah una dhiganta hal milyan sideed boqol iyo sideetan iyo lix dhibic sagaashan iyo afar($1,862,94) oo doolarka Maraykanka ah muddo dhan afar maalmood marka laga soo bilaabo markii la joojiyey Qaatka Miirawga in loo dhoofiyo dalka Soomaaliya.Madaxda Qaatka Miirawga ee dalkaasi Kenya Pythrum iyo mutowiri ayaa sheegay in Kenya dhoofisay Qaat dhan 81.4-Tan una dhoofisay magaaladda Muqdisho caasimadda Soomaaliya tan iyo markii dib loo furay Suuqa Qaatka Miirawga dhammaadka todobaadkii hore. Mutowiri oo ka mida madaxda ganacsiga Miirawga ayaa sheegay ineey jiraan 19-ganacsade kuwaaso ahaay 22-ganacsade ka hor inta aan la joojin Miirawga waxayna 19-kaasi ganacsade soo dalbadeen in la siiyo shatiyadii eey kaga ganacsan lahaayeen Qaatka Miirawga waane loo ogalaaday kuligood,waxaane rajo laga qabaa ayuu yiri Mutowiri ineey soo kordhaan tirada ganacsatada rabta ineey ka ganasato Qaatka Miirawga dalka Kenya.

ISHA WARKA DAILY BUSINESS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DR CONGO OO DACWAD…

Next
Next

HOGAAMIYIHII ALQAACIDDA AL-ZAWAHIRI OO LA DILAY.