DR CONGO OO DACWAD…
QARAMADA MIDOOBAY.
(KIGALI)-Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo(DRC) ayaa sheegtay ineey bilaabi doonto baaritaan ka dib markii nabad ilaaliyeyaal ka tirsan hawlgalka Qaramada Midoobay kuna sugan Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo loona yaqaano(MONUSCO) toogasho ku dileen laba qofood gudaha magaaladda Benti kuna taalo xuduuda uu dalka Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo la leeyahay dalka Uganda,sidaas waxaa sheegay shalay oo Axad ahayd masuuliyiin maxali ah.”Waxaa dhintay laba qofood oo isku dal ah waxaane dhaawacmay 15-qofood oo kale ka dib markii rasaas furay,waxaane rasaastaas furay ciidamadda nabad ilaalinta ee hoos taga MONUSCO waxaane arrinkaas soo faragelyey Guuto ciidamadda reer Uganda ah”sidaas waxaa sheegay wasiirka Isgaarsiinta ahne afahayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo Patrick Muyaya.
ISHA WARKA AA.