HOGAAMIYIHII ALQAACIDDA AL-ZAWAHIRI OO LA DILAY.
SAWIRKA AYMAN ALZAWAHIRI.
(USA)-Dalka Maraykanka waxa uu dagaal adag oo aan kala go’o lahayn kula jiraa la dagaalanka koocxda Al-Qaacidda iyo kooxaha la leh gacan saarka meel kasta oo eey adduunka ka joogaanba.Maalin Isniin ah bisha Meey-na eey tahay labo sannadkii 2011-kii ayaa waxaa la dilay Osama Bin Ladin waxaane dilay ciidamo gaar ah oo aad u tababaran oo ku qaaday weerar goob la soo sheegay inuu deganaay Osama Bin Ladin,waxaane hogaanka Kooxda Al-Qaacidda la wareegay ku xigeenkiiskii una dhashay dalka Masar Ayman Al-zawahiri ninkaan oo ah Takhtar dadka daaweeyo da’adiisana lagu sheegay ineey dhan tahay 71-jir,hadaba war ka soo baxay ciidamada Maraykanka kuna suga dalkaasi Afgaanistaan lana dagaalama Argagixisadda ayaa sheegay ineey dileen Hogaamiyaha Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri dhammaadka todobaadkii tegay,waxaane weerarka lagu dilay Al-zawaahiri fuliyey diyaaradaha DRONES-ka eey iska leeyihiin CIA-da Maraykanka,waxane weeraka inuu dhacay xaqiijiyey afhayeenka Taliban Zabihulaahi Mujaahid balse ma uusan sheegin cidda lala beegsaday weerka DRONES-ka. Madaxweynah Marykanka Joe Biden oo caawa fiidkii saacadu markay ahayd 7:30-PM shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa cadeeyey in la dilay Hogaamiyihii Al-qaacidda Ayman Al-Zawaahiri weerar eey fuliyeen diyaaradaha DRONES-ka,waxa uuna madaxweynaha ka sheekeyey dhibka eey Al-Qaacidda u gaysatay Maraykanka iyo sida eey u sii wedi doonaan weerarada ka dhanka ah Al-Qaacidda,weerarka ayaa ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Kaabuul.
ISHA WARKA CNN.
HALKAAN KA SII AKHRI.