KENYA IYO MARAYKANKA OO KU KUOMAY NAIROBI.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA KENYA WILLIAM RUTO.
(NAIROBI)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa magaaladda caasimadda ah ee Nairobi waxa uu kula kulmay wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Gobolka Geeska Afrika Mike Hammar shalay oo Jimca ahayd si ey go’aan uga gaaraan arrimaha amniga Gobolka ey ka jiraan tabashoyin fara badan,iska horimaadyada iyo Horumarinta Dimuqaraadiyadda Gobolka Geeska Afrika. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Ruto kaaso daba socday kulankii dhexmaray labada masuul Ruto iyo Hammar ayaa lagu sheegay”In dalka Kenya uu si buuxdo uga soo horjeedo amni xumidda,iskaashine la sameeyo dalka Maraykanka,Midawga Afrika iyo Ururada kale ee ka qeybgelaayo hawlgalada lagu ciritiraayo amni darida iyo iska horimaadyada ka jiro Gobolka Geeska Afrika”.
ISHA/AA.