JAHWAREERKA KA JIRA SIYAASADEED EE KA JIRA SOOMAALIYA.

Marka laga hadlaayo arrimaha siyaasdda ee Soomaaliya waxaad isla markiiba xusuusanaysaa isqabqabsi siyaasadeed aan lahayn dhammaad iyo kuwa sheegta beesha caalamka oo aan awoodin ineey farta ku fiiqaan kuwa eey wax ka socon la'a yihiin,fadhiidka siyaasdeed ee soomaaliya hadda ka jira ayaa ah mideey sababtay dawladda uu dhammaaday waqtigeeda ee uu hogaamiyo Farmaajo waxaane xusid mudan eeyna tahay in la xusuusto in dawladdii uu hogaaminaayey Farmaajo laga rabay ineey dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah taasne waa eey ku guul daraysatay oo waxaa dib loogu soo laabtay doorasho dadban oo waxaa xildhibaanadda labadda aqal soo xulaayo odayaal dhaqameed iimaanka alle ka qaaday oo aan dan ka lahayn dal iyo dadba ee waxa u muuqdaa uu yahay laaluush ineey qaataan. Sannadkaan waxaa jira wax la yiraahdo Midawga Musharixiinta kaasoo aan horay u jirin,kooxdaan ayaa intooda badan waxa eey ka tirsan yihiin amaba hogaamiyeyaal ka yihiin xisbiyo siyaasadeed oo u han weynaay ineey doorashadda uga qeybgalaan magac xisbi balse taasi ma dhicin waxayna taasi ku abuurtay ineey nqodaan mucaarad mideeysan lehne hal cadaw oo ah Farmaajo. 19/2/2021-ka waxa eey ku dhawaaqen banaanbax balaaran oo ka dhici doono DALJIRKA DAAHSOON ee magaaladda Muqdisho,banabaxaasi kama dhicin Daljirka waxaane is hortaag ku sameeyey ciidamadda dawladda uu dhammaday waqtigeeda,waxaane la weerary Hotel-ka Maa’ida ee ku dhaw Daljirka halkaasoo eey deganaayeen qaar ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha sida madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka ee dawladdii ku meel gaarka ahayd soona noqday madaxweynaha DG koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay dhaawac,dhimasho iyo burbur hantiyeed,sidoo kale waxaa ayagana la rasaaseeyey banabaxayaal ku sugnaay lambar afar halkaasne waxaa ka dhashay dhaawac iyo dhimasho intaas dhibaato ee dhacday 19/2/2021-ka ma jirto cid loo soo qabtay lana horkeenay cadaaladda balse waxaa caalamka cabasho u gudbiyey midawga musharixiinta sheegayne in soomaaliya ka jirto caburin loo adeegsanaayo ciidamadda qaranka,hadaba fashalka ku yimid banaanbixii eey iclaamiyeen midawga musharixiinta yuu sababsaday? Hadal haynta ugu badan ayaa ah inuu sababsaday hadalkii Gen.Indha Cadd laakinse waxaa jiro warar kale oo tibaaxaayo in xukuumadda waqtigeedu dhammaday gelisay waqti iyo lacag sidii eey u fashilin lahayd banaanbaxaas sida la sheegayne waxaa u suuragashay xukuumadda ineey dhaqaale fara badan siiso saraakiil ciidan oo lagu tuhmaayey ineey gacan saara la leeyihiin midawga musharixiinta kuwaaso ka soo goostay dawladda sababo la xiriiro dhinaca dhaqaalaha,saraakiishaas eey dawladda la heshiisay ayaa waxa eey ku heyb yihiin madaxweynayashi hore Shariifka iyo Xasan waxa eeyna baneeyeen goobta loogu talagalay inuu ka dhaco banaanbaxa oo ahayd Daljirka Daahsoon waxaane goobtii eey baneeyeen si sahlan u soo degay ciidamadda dawladda gaar ahaan Gor-Gor kuwaso dhawr maalin ka hor ku wareejiyey Daljirka Daahsoon ciidamadda WARAN kana tirsan hayadda NISA welina ku sugan halkii eey kala wareegeen Gor-Gor ee ah Daljirka Daahsoon.Mar kale ayey midawga musharixiinta ku baaqay in la sameeyo banaanbax maalinta Jimcaha ee soo socoto kuna beegan 26/2/2021-ka la isuguna yimaado Daljirka Daahsoon,dawladda waqtigeedu dhammaaday maxay sameeysay si eey uga hortagto banaanbaxaas?

Maanta oo ah Talaado kuna beegan 23/2/2021-ka ayaa waxa uu kulan ka dhacay hoyga uu magaaladda Muqdisho ka degan yahay wasiirka amniga qaranka Xasan Xundubeey Jimcaale kulankaas wayaa waxaa ka qeygalay masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo odayaal dhaqameed kuwada abtirsado beel weynta Mudulood,ujeedada kulanka ayaa ah sidii loo baajin lahaay isu soo baxa Jimcaha eey ku baaqeen midawga musharixiinta waxaane laga soo weriyey qof ka mid ahaay ka qeygalayasha kulanka in xukuumadda soo dhiibtay lacag loogu talagalay sidii loo kala furfuri lahaay kuwa abaabulaayo isu soo baxa loona baajin lahaa isu soo baxa lama yaqaano tiradda dhabta ah ee lacagta iyo ineey meel mar noqon doonto in lagu baajiyo isu soo baxa Jimcaha. Dhinaca kale,Senatar Qeybdiid,madaxweyne Qoor-Qoor,Ex-xildhib.Caasha iyo raysal wasaare Rooble oo isku wada heyb ah ayaa la sheegay ineey wadaan olole eey ku hor istagayaan in isu soo bax laga sameeyo aaga lambar afar,dhaqaalaha eey dawladda ugu talagashay hor istaagida isu soo baxa lambar afar ka dhacaayo ayaa lagu sheegay inuu dhan tahay sideed milyan($ 8,000,000),ciidamadda ka hawlgeli doono joojinta isu soo baxa Jimcaha ayaa waxaa hogaan looga dhigay sida aan war ku helnay taliye ku xigeenka booliska soomaaliya Kaniif,Shaafici abaanduulaha cusub ee guutada 77,Isaaq faroole ahne sarkaal dibadda ka yimid xilkana kala wareegi doono taliyaha Haramcad gaashaanle Farxaan Qaroole,dhamman saraakiishaan ayaa waxa eey jufo hoose isku yihiin Senatar Qeybdiid iyo Qoor-Qoor oo sida la ogyahya calaaqaad wanaagsan la leh Farmaajo,su’aasha taagan ayaa ah haddii midawga murashixiinta la yimaadaan ciidamo dawladuna ciidamo geysay goobihii lagu banabixi lahaay yey tahay cidda is hortaagi karta isku dhac ciidan?

Diyaariye/ Abkeey-wakiil wareedka SBM/Muqdisho.

Previous
Previous

WAA MAXAY SABABTA WAX KU SAABSAN DAGAAL SOKEEYE UGA QARXAAYO SOOMAALIYA.

Next
Next

SAFIIRKII TALYAANIGA U FADHIYEY KOONGO DIMUQARAADI OO LA DILAY.