Jabuuti iyo Kenya oo kala adkaan waayey.

130307164531-un-security-council-north-korea-sanctions-horizontal-large-gallery.jpg

Xarunta qaramadda midoobay ee New york ayaa maanta waxaa ka dhacay tartan u dhexeeyo todobo dal oo u tartamaayo shan kursi oo ka mida kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha amaanka ee qaramadda midoobay(UNSC),shantaan kursi ayaa waxaa u tartamaayo dalalka Hindiya,kanada,Meksiko,Noorweey,irlaand,Kenya iyo Jabuuti. Todobadaan dal ayaa u tartamaayo kuraasta kala ah hal kursi oo afrika ah eeyna u tartamaayan dalalka Kenya iyo Jabuuti waxaane kursigaas hadda ku fadhiyo dalka Koonfur Afrika,hal kursi oo Asiya Baasifik ah waxaane u tartamaayo dalka Hindiya waxaane hadda kursigaas ku fadhiyo dalka Indoniisiya,hal kursi oo ah laatiin ameerika iyo kareebiyaanka ayaa waxaa u tartamaayo dalka Meksiko waxaane hadda kursiga ku fadhiyo dalka Dumeenik reboblik iyo laba kursi oo ah yurubta galbeed iyo kuwa kale ayaa waxaa u tartamaayaan dalalka Kanada,Noorweey iyo Irland waxaane kuraastaas hadda ku fadhiyo dalalka jarmalka iyo Biljamka. Dalalka Hindiya iyo Meksiko ayaa si toos ah ugu fadhiistay kuraastooda tartan la’aan,halka dalalka Noorweey iyo Irlaand eey ka guuleeysteen dalka Kanada waxa eeyna kala heleen codad kala ah Noorweey 130-Cod,Irlaand 128-Cod iyo Kanada 108-cod,laakinse Kenya iyo Jabuuti ayaan midkoodna helin tirada codadkii looga baahnaay si uu ugu fadhiisto kursiga qaarada afrika waxa eeyna kala heleen Kenya 113-Cod iyo Jabuuti 78-cod waxaane beri oo khamiis ah la qaban doonaa codeeyn kale oo u dhexeeyso Kenya iyo Jabuuti,129-Cod ayaa kursiga lagu fariisan karaa marka eey codeeyaan 193-Cod bixiye.Dalalkaan ayaa horey ugu soo fariistay kuraastaan eey hadda u tartamaayaan waqtiyo kala duwan waane sidaan: Hindiya(7) jeer,Kanada(6) jeer,Meksiko(4) jeer,Noorweey(4) jeer, Irlaand(3) jeer,Kenya(2) jeer iyo Jabuuti hal mar. Waxaa kaloo maanta isna la doortay madaxweynaha golaha guud ee qaramada midoobay waxaane loo doortay siyaasi reer turki ah lana yiraahdo Volkan Bozkir mana jirin cid booskaas kula tartantay balse waxaa mucaarado aad u sareeysay kaga timid dalka Giriiga iyo Jasiiradda qubrus.

Previous
Previous

Ma ila aha mid….

Next
Next

Nisa oo bilawday dhac farsamadeeysan.