Ma ila aha mid….
Bishii ina dhaaftay ee Meey dhammaadkeedii ayaa degaanka Gololeey kana tirsan Degmada Balcad waxaa la soo dhigay meydad dhan ilaa sideed qofood kuwaasoo maalin ka hor laga afduubay xarunta hooyadda iyo dhallaanka(MCH)-ka ee Gololeey,sideedaan qofood ayaa ahaay dhakhaatiir ka hawgeleysay xarunta hooyadda iyo dhallaanka(MCH)-ka arrintaan ayaa noqotay mid eey aad uga naxaan dadka degaanka,goobjoogayaal ku sugnaay xarunta laga afduubay takhaatiirta ayaa sheegay in afduubayaashu ahaayeen ciidamadda dawladda soomaaliyeed balse soo qaatay gaari mini-bus ah oo eey xoog ku soo kaxaysteen sida la ogaaday,waxaane in la xuso mudan in maalmo ka hor isla gudaha Gololeey qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dawladda waxaane halkaas ku dhintay askar gaareeyso ilaa sideed askeri. Arrinta dilka takhaatiirta ee Gololeey ayaa waxaa ka dhashay carro aad u badan waxaane cambaareeyn u soo jeediyey beesha caalamka iyo hayadaha xuquuqul insaanka,waxaane la bilaabay in la baaro sida wax u dheceen si loo helo cidda ka dambaysay dil wadareedka,baaritaanka ayaa waxaa qeyb ka ahaay baarayaal ka kala socday maamulka Hirshabeele ee uu ka tirsan yahay degaanka dhibku ka dhacay iyo baarayaal ka yimid Muqdisho kuwaaso ka socday CID-da dawladda federaalka mana jirto wax natiijo ah oo laga soo saaray dil wadareedkaas hadeey ahaan lahayd maamulka Hirshabeele iyo dawladda federaalkaba. Nabadoon Maxamed Cali Madoobe kana mida nabadoonada degaanka Gololeey ayaa waxa uu waraysi siiyey idaacadda kulmiye(KNN) ee magaaladda Muqdisho gaar ahaan barnaamijka xog-waraysi maalintii shalay oo ahayd Axad kuna beegneed 21/6/2020-ka,nabadoonka ayaa sheegay inaan la hayn wax natiijo ah oo lala wadaagay eheladdii la xasuuqay caruurtooda,balse baarayaashii ka socday maamulka Hirshabeele ayuu sheegay nabadoonku ineey cadeeyeen in takhaatiirta eey dileen Alshabaab, waxaane soo baxay warar sheegaayo in xubno siyaasiyiin ah kuna heyb ah wiilasha la xasuuqay abaabul ugu jiraan sidii dhacdadaan si hoosa loogu xalin lahaay taasoo loo macneeysatay in la yaqaano cidda geeysatay dil wadareedka lana rabin in la maxkamadeeyo taas bedelkeedana la bixiyo Mag(DIYO) laakinse nabadoon Maxamed Cali Madoobe ayaa ka biya diiday sheegayne inuu dhiiga caruurtooda eeysan dhaafsaneeyn lacag,arrinta ayaa hadda u muuqato in dalaaliintii shalay qeyb ka ahaay una sabab ahaay in aan waxba laga soo qaadin aqoonyahanadii lagu laayey xarunta dawladda hoose ee xamar sannad ka hor shacabkane loogu been guuray baaritaan ayaa socdo ineey hadda rabaan ineey gacanta ku dhigaan xalka dhacdadii Gololeey,waane ila nasiib darro soo noqnoqtay in la arko siyaasiyiin imaanka alle ka qaaday iyo kuwa la shaqeeysto oo maalin kasta oo dhib dhacaba la arko ayagoo mashquul ku ah ineey afka qabtaan masaakiinta ku heeybta ah lana xasuuqay dadkooda,Mag(DIYO) waxaa la bixiyaa marka afgarad uu dhexmaro labada dhinac ee dhibaatadu dhexmartay laakinse haddii dhinac diidan yahay MAG(DIYO) waa lama huraan in lagu kala baxo maxakamad si meesha looga saaro ineysan dhicin aano,mase ila aha mid socanayso waxa eey wadaan dhuuni raacyadda.