JABUUTI IYO KENYA OO GAARAY HESHIISYO…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA JABUUTI IYO KENYA.

(NAIROBI)-Dalka Kenya ayaa joojin doono waxyaabaha looga baahan yahay mawaadiniinta dalka Jabuuti si ey u helaan dal ku galka wadanka Kenya,dalka Kenya ayaa aad u daneynaayo inuu fududeeyo isu socodka shacabka Geeska Afrika iyo inuu wanaajiyo Ganacsiga iyo duulimaadyada hawada ee u dhexeeyo labada dal Kenya iyo Jabuuti. Aqalka Madaxtooyadda Kenya ayaa ku dhawaaqay inuu wax ka bedelaayo siyaasaddiisa ka dib markii uu Madaxweyne Dr.William Rutaha Kenya uu la kulmaya dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele caasimadda Jabuuti shalay oo Axada ahayd(11/6/23)-ka. “Kor u qaadiada is dhexgalka labada shacab ee dhinacyada Ganasiga iyo Maalgashiga tahay mid muhiim ah,waxa aane si adag u balanqadayaa inaan baabi’in doono derbiyadda dulsaaran waxyaabaha looga baahan yaha Mawaadiniinta reer Jabuuti si ey u helaan dal ku galka Kenya si uu ugu sahlanado u safarka Kenya”sidaas waxaa yiri Madaxweynaha dalka Kenya Dr.Ruto mar ey shir jaraa’id si wadajira ah u wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Dalka Jabuuti ayaa hadda waxaa ka socdo shirkii 14-aad ee Madaxda wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD,shirkaan ayaa waxaa looga arrinsanayaa arrimaha dalka Sudan oo isaga hadda ah Madax IGAD iyo amniga iyo siyaasadda dalalka xubnaha ka ah Ururka IGAD ee kala ah”SUDAN, SOMALIA,DJIBOUTI,KENYA, ETHIOPIA,UGANDA IYO SOUTH SIDAN”.

ISHA WARKA EAST AFRICA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

HOGAAMIYEYYASH DAGAAKA SUDAN OO KULMI…

Next
Next

RW-BERLUSCONI OO GEERIYOODAY.