RW-BERLUSCONI OO GEERIYOODAY.
(SAWIRKA)-EX-RW BERLUSCONO.
(ITALY)-Dalka Talyaaniga waxaa maanta oo Isniin ah(12/6/23)-ka ku geeriyooday Reysal Wasaarihii ugu waqti dheeraay ee soo xukuma dalkaasi Talyaaniga SILVIO BERLUSCONI oo 86-jir ahaay, Berlusconi ayaa ah maalqabeen aad looga yaqaano dalka Talyaaniga waxa uuna iska lahaay Warbaahino fara badan iyo Naadi cayaara kubadda cagta(AC-Milano) kana tirsan naadiyada cayaaro horyaalka dalka Talyaaniga. Berlusconi ayaa la soo sheegay inuu u geeriyooday cudurka Kansarka ee ku dhaca dhiiga loona yaqaano”LEUKEMIA’ Berlusconi ayaa horay waxaa ugu dhacay cudurka Covid-19 waxaane qaliin looga sameeyey sambabada,sida ey qoraan wargaysyada dalkaasi Talyaaniga Berlusconi ayaa dhawr mar looga yeeray Maxkamadaha dalka Talyaaniga sababo la xiriira inuu sameeyey gogol dhaaf iyo wax isdabamarin.
ISHA WARKA AP.