ITOOBIYA OO KA SOO JAWAABATAY HADALKII….
(SAWIRKA)-QORAALKA ITOOBIYA KA SOO BAXAY.
(ADDIS ABABA)-Dawladda itoobiya waxa ey ka mid tahay wadamadda la ka deriska ah dalka Soomaaliya,waxa eyna Itoobiya ka mid tahay wadamadda ey ciidamadeeda qeybta ka yihiin Hawlgalka Nabadda Midawga Afrika ee Soomaaliya loona yaqaano ATMIS. Marka laga soo bilaabo 1991-dii ilaa maanta oo la joogo 2024-ka dalka Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo shisheeye oo ilaalinaayo Nabadda dalka Soomaaliya,ciidamadaan ayaan wax hawl ah oo muuqato aan ka qaban intii ey joogeen gudaha dalka Soomaaliya taaso dhan 15-sano oo xiriir ah. Markii dib loo doortay MW-Xasan Sheekh Maxamuud 2022-kii uuna ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa waxaa soo baxay dawladdo ey dhibeyso in Alshabaab laga xureeyo dalka Soomaaliyane si ey dib ugu hanato iney iyada sugato Amnigeeda,waxaane durba bilaabay in Hub sharci darra ah dalka laga soo geliyo Xuduuda beenta ah ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee u dhaw maamulka Galmudug,Hubkiine waxa uu gacanta u galay maleeshiyo beeleed horay u hubeysnaay dagaalne uu kala dhexeeyey beel kale oo degaanka la degan. Si loo kala badbaadiyo beelahaas walaalaha ah ayey DFS waxa ey wafdi culus uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Qaranka u dirtay degaankii hubka lagu dhacay oo ah degmada C/waaq ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,isla markaasne dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn u jeedisay dawladda Itoobiya oo iyada hubkaan ka yimid dhulkeeda,laakinse itoobiya oo og waxa ey sameeysay ayaa soo saaratay qoraal ey arrintaas uga jawaabeyso. Hadaba qoraalkaasi ma yahay mid Itoobiya looga qancaayo ineysan ku lug lahayn qaska Soomaaliya ka jira
ISHA/CO.