XOGHAYIHII HORE EE G/DHIGA UK OO KU BAAQAY IN LA..
(SAWIRKA)-WASIIRKII HORE EE G/DHIGA INGIRIISKA SIR GAVIR WILLIAMSON.
(LONDON)-Xogahayihii hore ee Gaashaandhiga Ingiriiska Sir Gavin Williamson ayaa ku booriyey Xogahayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Lammy inuu dhegaysto baaqyadda ku aadan in Boqortooyadda Ingiriiska(UK) ey u aqoonsato Soomaaliland dal madax banaan,sida ey sheegtay jariidada The Independent maanta oo Jimca ah. “Tani waa talaabo muhiim ah oo astaan u ah,waxaane rajaynaa in Xogahyaha Arrimaha Dibadda uu dhegaysto oo uu u dhaqaaqo siyaasadda Boqortooyadda Ingiriiska(UK) si ey u aqnnsato Soomaaliland,iyo si ey aqoosato xaqiiqada dhabta ah”. David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Boqortooyadda Ingiriiska(UK) ee ku wajahan xulafadda muhiimka ah ee dagaalka Badda Cas kula jirto kooxda Xuutiyiinta ey Iraan taageerto. Gumaysigii hore ee Ingiriiska ayaan si rasmi ah u aqoonsan quwado caalami ah inkastoo uu u shaqeynaayey sidii dal madax banaan tan iyo sannadkii 1991-dii markii ey ka go’oday dalka Soomaliya dagaaladdii sokeeye ka dib.
ISHA/AN.