WASIIR FIQI OO BOOQASHO KU JOOGA AZERBAIJAN

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO DHIGIISA AZERBAIJAN.

(BAKU-AZERBAIJAN)-Wararka ka imaanayo dalka Azerbaijan ayaa sheegaayo in halkaasi shalay oo Khamiis hayd uu gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi isagoo hogaaminaayo wafdi baalaran ka dib markii uu casuumad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalka Azebaijan Md.Jeyhun Bayramov si ey u xoojiyaan xiriirka labada dal ee walalaha ah Soomaaliya iyo Azerbaijan. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta oo jimca ah waxa uu Baku kula kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo kan Tamarta ee dalka Azerbaijan. Kulanka hore ayuu Wasiir Fiqi waxa uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan Md.Bayramov kaaso sheegay in “Azerbaijan ey taageereyso ka qeybgalka Ardayda Soomalaiyeed barnaamijka Deeqaha Waxbarashadda ee loogu talagalay wadamadda xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC)”. Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan Md.Bayramov mar ey shir jaraa’id oo wadajir ah ey isla qabteen dhigiisa Soomaliya Md.Axmed Macallin Fiqi ayuu yiri”Waxaa jirta karti weyn oo iskaashi oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Azerbaijan kuna saabsan dhinacyadda dhaqaalaha,Amniga,Tamarta iyo dhinacyo kale”. Kuln dhexmaray Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Tamarta dalka Azerbaijan Md.Mikayil Jabbarov ayaa ku soo dhammaaday guul,wax uuna Wasiir Jabbaravo bartiisa(x) soo dhigaya hadal u qornaa sidaan”Intuu socday kulan aan yeelanay Md.Fiqi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskashiga Caalmaiga ah ee JFS waxaan ka wada hadalnay Horumarinta xiriirka dhaqaalah labada dal iyo sidii loo sahmin lahaay fursadaha iskaashi ee dhinaca Tamarta". Sidoo kale waxaa isna bartiisa (X) hadal kooban soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azserbaijan Md.Bayramov ka dib markii ey shir jaraa’id wada qabteen Md.Fiqi,qoraalka Wasiir Bayramov ayaa u qornaa sida”Waxaan ku celinayaa sida ey inooga go’an tahay inaan sii wanaajino iskaashiga laba geesoodka ah iyo kuwa badan oo ku saleysan Ixtiraam iyo Taageeradda labada dhinac”.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

ITOOBIYA OO KA SOO JAWAABATAY HADALKII….

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HESHIIS IS AFGARAD…