ISRA’IIL OO U HANJABTAY MAXKAMADDA CAALAMIGA AH.
(SAWIR)-KA KARIIM KHAN.
(LONDON)-Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ayaa ku dhawaaqday hanjabaado ah iney ka aargoosan doonto Maxkamadda iyo shaqaaleheeda ka dib maalmo la isla dhexmaraayey hadal ku saabsan inuu jiro Waaran lagi soo xiraayo saraakiil sarsare oo reer Isra’iil ah kuwaaso lagu soo eedeeyey falalkii ey sameeyeen intuu socday dagaalka Marinka Gaza. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) in kastoo eysan xaqiijin eedeymaha loo haysto saraakiisha reer Isra’iil hadane Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Isra’iil ayaa si cad uga hadlay maalmihii la soo dhaafay hanjabaad la sheegay in lagu eedeynaayo madaxda Isra’iil Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu,Wasiirka Difaaca Gallant iyo Taliyaha Ciidamadda difaaca Isra’iil Herzi Halevi ayaa la rumaysan yahay iney yihiin kuwa ugu macquulsan ee lagu soo oogi doono Eedeymaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC)-da,sidaas waxaa sheegay Warbaahino fara badan. RW-Netanyahu ayaa bayaan muuqaal ah ee uu soo saaray horaantii todobaadkan ku dhaleeceeyey talaabadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC-da ee suuragalka ah isagoo ku tilmaamay “Fadeexad heer sare ah oo taariikhi ah”. RW-Netanyahu ayaa sheegay inuu filaayo in hogaamiyeyaasha caalamku ey adeegasan doonaan “Dhammaan dariiqooyinka ey awoodaan si ey u joojiyaan talaabadda Maxkamadda ee khatarta ah”.
ISHA/MEE.