AGAASIMAHA CIA OO GAARAY QAAHIRA MAANTA.
(SAWIR)-KA BURNS.
(QAHIRA)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka dalka Maraykanka Bill Burns ayaa gaaray caasimadda dalka Masar ee Qaahira maanta oo Jimca ah si uu ugu biiro dhexdhexaadiyeyaasha Isra’iil iyo Xamaas ey ugu horeeyso dawladda Masar dadaalka ey ugu jiraan in go’aan laga gaaro sii deynta la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas iyo in xabad joojin laga gaaro dagaalka ka socdo Marinka Gaza,sidaas waxaa Wargayska Axios u sheegay seddex ilo wareed oo xog-ogaal ah. Safarka Burns ee Qaahira ayaa ka tarjumaayo cadaadiska maamulka MW-Biden uu ku haayo inla helo heshiis sida ugu dhaqsiyaha badan waxayne calaamad u tahay in Washington u aragto xilligaan xaadirka ah qodobo muhiim ah wada xaajoodka. La taliyeyaasha sare ee MW-Biden ayaa sheegay in heshiiska hadda miiska saaran uu yahay wadada kaliyah ee lagu qiyaasi karo in lagu gaari karo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza iyo in la soo afgjaro dagaalka dhaleeceyn xoog leh u gaystay MW-Biden kaaso ka dhex jira qaar ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha muhiimka ah ka hor doorashada Madaxtinimo ee dalka Maraykanka ee dheceyso November-2024-ka. MW-Biden waxa uu si shaqsi ah ugu lug lahaay dadaaladda xoogan ee lagu doonaayo in laga heshiiyo la haystayaasha iyo xabad joojin dhexmarta Isra’iil iyo Xamaas taaso uu u arko iney tahay qeyb muhim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda balaaran oo gudaha iyo dibadda ah sida ey sheegeen saraakiil Maraykan ah.
ISHA/AXIOS.